“Hadii Ay Run Tahay Oo Madaxwayne Muuse Uu Doonayo In Somaliland Uu Ka Bedbaadiyo Khilaaf Siyaasi Ah, Waa In Doorashooyinku Sida Ay Ukala Horeeyaan, Aan Waxba Laga Bedelin” Siyaasi Cali Guray.
December 28, 2021 - Written by admin
“Waxa Umusha Udan Ah, Ayaa Ilmahana Dan U Ah”Cali Guray.
Hadii Ay Run Tahay Oo Madaxwayne Muuse Uu Doonayo in SOMALILAND uu ka bedbaadiyo khilaaf siyaasi ah oo heer xun gaadhi kara waa in doorashooyinku sida ay u kala horeeyaan aan waxba laga bedelin. Sadexda doorashona waxa horeeya labada dastuuriga ah waa ta Guurtida oo mudaysan in ay qabsoonto bisha May 2022 iyo ta Madaxtooyada oo mudaysan bisha November eh. Doorashada sadexaad oo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururo siyaasadeed waa in ay ka dambayso oo aan mudnaanta laga siinin labada hore ee dastuuriga ah oo aan hore looga soo dhigin wakhtigeeda oo ah December. Hadii daacad laga yahay oo ay noqoto in mid wakhtigeeda dib wax yar dib loo riixo ta sadexaad ee ugu dambaysa. Wixii kaleba waa in dalka lagu geliyo asqo iyo jahowareer siyaasadeed oo aan loo baahnayn lagana badbaadin karo.