berberatoday.com
Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Oo Marsada Berbera Kusoo Dhaweeyay Michael Rupin Oo Ah Qoraa Taageera Qadiyada Madax Banaanida Somaliland
December 28, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa saaka booqday magaalo marseeda Berbera Michael Rupin iyo gabadh yar uu dhalay Mr. Rupin waa aqoon yahan wax ka qora arimaha siyaasada caalamka, waana bare Jaamacadeed, sidoo kale waxa uu la taliye iyo macalinba u yahay ciidamada bada ee Maraynkanka waana sahamiye weyn oo dhanka istiraajiyada ah.
Sidoo kalena Waa aqoonyahan taageera qadiyada Madax Banaanida Jamhuuriyada Somaliland una ololeeya.

Michael Rupin ayaa waxa Marsada Dekeda Berbera kusoo dhaweeyay Warbixina ka siiyay Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Sidoo kale Wuxu Maareyehu Indha indhayn kusoo mariyay dekedii hore ee Berbera iyo Dekeda Cusub Waxaanu qoraal uu Maareyuhu soo dhigay Bartiisa Face book ku Yidhi”

“Waxa aan ku qaabiley Dekedda Berbera, Mudane Michael Rubin oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha siyaasada islamarkaana hore uga soo shaqeeyay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo, sidoo kale faallooyin iyo aragtiyo kala duwan ka qoray Geeska Africa gaar ahaan Somaliland oo uu qadiyadeenna marar badan u bandhigay bulshada caalamka iyo warbaahinta dalka Maraykanka.

 

dhawaan waxa la saadaalinaya in Somaliland laga saaro gabi ahaanba liiska Dalalka aan loo safri karin, taasina waxa ay suuro gal ka dhigaysaa in U.S ay xafiis dublamaasiyadeed ka furato Hargaysa, sidoo kale waxa muuqanaysa in ay kor u kacayso dadka booqashada Somaliland ay ku imanayaan dadka jaangooya siyaasada Maraynkan.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews