Wefti Culus Oo Ka Socda Beesha Caalamka Oo La Filayo Inay Hargeysa Soo Gaadhaan
December 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti ka socda Beesha Caalamka gaar ahaana waddamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda,ayaa la filayaa inay soo gaadhaan dalka maal-maha soo socda,kuwaas oo socdaalkooda uu ku soo beegmayo xilli uu dalka ka jira khilaaf-siyaasadeed,kaas oo u dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda KULMIYE,isla markaana salka ku haya xeerka ururradda iyo axsaabta ee xeer Lr 14.
