Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Su,aalo Xasaasiya Oo La Xidhiidha Wasaarada Waxbarashada Waydiiyay Wasiir Toorno Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay!
December 30, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo kamid Ah shakhsiyaadka udooda dadka dulman Iyo shaqaalaha Dawlada ee masuuliyiintu tacadiyada kula kacaan ayaa madal Caawa su,aalo xasaasiya ku waydiiyay wasiirka wasaarada Waxbarashada Toorno kuwaasi oo la xidhiidhay dad qoyskiisa oo uu qaraabo kiil kaga shaqaalaysiiyay wasaarada, macalimiin mushaharkii ay ku shaqaynayeen aan lasiin iyo gudi uu wasiirku samaystay oo si aan sharci ahayn u erya shaqaalaha wasaarada waxbarashada.
