Dekeda Berbera Aan Saaka Wax Badeecada Laga Cashuurin Iyo Sababta Keentay
January 2, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Cashuurta Badeecadaha Kala Duwan Ee Dekeda Berbera Kasoo Dagaya Iyo Gaadiid Cusub Ayaa Saaka Gabi AhaanbaTaagan Aanay Wax Shaqo Ahi Kasocon.
Ganacsatada Oo Shaqada Joojiyay Ayaa ku Sababeeyay Shirkada Dekeda Maamusha Ee DP World Oo Kordhisay Dhamaan Lacagaha Adeegyada Ay Ku Qabato Sida Ka Muuqata Lifaaqa Warqadani.
Sidoo Kale Shaqo Joojinta Ay Sameeyeen Ayaa iyana Waxa Qeyb Ka Ah Warqada Badeecadaha Ganacsatadu Kusoo Iibsato Ee Invoice-ka Loo Yaqaan Oo Wasaarada Maaliyadu Ganacsatad Ku Wargalisay Inay Keenaan 01.01.2022 Hadii Kale Aan Badeecadaha Loo Cashuuri Doonin Iyada Oo Aan Sababta Loo Raadinayo Warqadas La Cadayn.
Lacag Kordhinta Shirkada DP World Iyo Waraaqadan iibka Badeecadaha Ee Wasaarada Maaliyadu Doonayso Ayaa Dabayaaqadii Sanadkii 2021Ganacsatada Hore Loogu Dayay Waase Ay Ka Gaws Adaygeen Waxaana Dib Loogu Dhigay Bilawga Sanadkan Cusub 2022 Oo Ganaacsatadana Lagu Wargaliyay Inay Dhaqan Gali Doonaan Lacag Kordhinta Iyo Keenista Warqada Ganacsatadu Badeecadaha Kusoo Iibsadaan.
War Kale Ayaa Sheegaya In Caymiskii Oo Khasab Ahna Laga doonayo Gaadhi Kasta Oo Dekeda Kasoo Dagaya Iyo Midkasta Oo Galaya.