berberatoday.com
Dhambaalka Sanadka Cusub Ee Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi
January 2, 2022 - Written by admin
Kii noo Hagaagee, noqo loo Han weyn yahay. Amiin Amiin.
Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland, munaasibaddda sanadka cusub ee 2022-ka. Waxaan alleheena weyn ka baryayaa in uu sanadka cusub ina siiyo samihiisa iyo sareedadiisa, isla markaana uu ina hareer mariyo surma seegtooyinkiisa sillan iyo sharkiisa soogan.
Sanadkii tagay ee 2021-ku wuxuu xiskeena kaga tagey xasuuso togan iyo kuwo taban labadaba. Wuxuu ahaa mid xanbaarsan dhacdooyin leh xanuuno aan yarayn, iyo kuwo leh xiiso badan intaba. Dhacdooyinka xasuusta inagu reebay waxaa ka mid ah cudurka Coved19 oo dunida ku cusbaa, wuxuu sanadkii 2021 ku inaga dilay, ama noloshoodii galaaftay haldoor badan, oo ay ka mid ahaayeen leebeentii iyo naqwadii bulshada. Cudurkani ma ahayn mid madi inagu ah, balse wuxuu ahaa mid aafeeyay aadanaha ifka ku nool idilkood. Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka leh waxaa ka mid ahaa sixir barar dhanka maceeshada ah, kaas oo saamayn taban ku yeeshay in badan oo bulshadeena saboolka ah ka mid ah.
Dhinaca kale sanadkii 2021-ka ee aynu sagootinay, eebe mahadii waxaa inoo qabsoomay darashadii golaha wakiilada oo muddo dhaaftay toban gu’u oo gaw ah, iyo tii golayaasha deegaanka oo ahaa kuwo isku sidkan. Doorashooyinkani waxay Somaliland u soo hooyeen sumcad fiican iyo sawrac wanaagsan. Waxaynu dhaxalay hal ku dhiga la magac baxay ( the best democracy in the region). Taas oo la micno ah nidaamkii doorasho ee ugu hufnaa mandaqada geeska Africa. Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay ku dhiiratay suurto gelinta iyo maal gelinta doorashooyinkan muddo dhaafay ee isku sidkan. Taasi waxay u ahayd lib iyo guul siyaasiya oo aan laga gaasiri karin. Waxa kale oo xusid mudan in xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu ay u hongaansameen natiijooyinkii doorashooyinkaas, oo aan badi raali gelin.
Sidoo kale, xisbiyada mucaaradku waxay doorashadaa ka muujiyeen wacdaro. Waxaanay ka gaadheen guulo waaweyn oo siyaasiya ka dib markii ay hantiyeen shir gudoonkii aqalka wakiilada iyo badi maamulka magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Hargeysa, Burco, Laascaanood, Boorama iyo Ceerigaabo.
La soco qormada danbe ee qoraalkan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews