Dasaarad Lagu Soo Bandhigay Halista Caafimaad Ee Cabitaanka Sharaabka Soodhaha Leh!
January 3, 2022 - Written by admin
“Daraasado Caafimaad Oo Xaqiijiyey In Cabbitaanka Sharaabka Soodhaha Leh Oo La Badsadaa In Ay 61 Kor Uqaado Khatarta Ah In Qofka Ku Dhacaan Xanuunnada Aan Dawada Lahayn Ee Ku Dhaca Kelyaha”
Sharaabka Soodhaha leh waxa uu u daranyahay caafimaadka, Meelaha uu sida gaarka ah khatarta ugu yahayna waxaa ka mid Ah Beerka oo uu ku ururiyo xaydha, kuna keeno caabuq Xaaladahaas oo ku dambayn kara in beerku burburo ama Kansarka beerka. Waxa uu sababaa miisaanka qofka oo kordha, waxa aanu qofka ku keeni karaa xanuunnada macaanka, lafa xanuunka, iyo burburka iyo suuska Ilkaha.