Raysal-Wasaaraha Dawlada Xamar Oo Shaaciyay In Dawlada Emaraadka Loo Celin Doono Lacag Lagaga Qabtay Muqdisho Iyo Farmaajo Soo Saaray Amar Uu Kaga Soo Horjeedo.
January 8, 2022 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta raali galin ka bixiyay Dhacdadii dowladda Imaaraadka Carabta loogala wareegay lacag gaadheysay sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, Taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Diyaaraha Aadan Cadde Ee magaalada Muqdisho.