Xukumada Somaliland Oo Shirkada DP World Ku Raacday Kordhinta Lacagaha Adeegyada Ay Qaado Iyo Shaqadii Dekeda Oo Maalintii 10-naad Taagan
January 10, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirar Malmihii Udambeeyay Wasaarada Ganacsiga Hargeysa Uga Socday Ganacsatada Somaliland Xukumada Iyo Shirkada DP World Ayaa Dood Dheer Kadib Goordhaweyd Kusoo Gabagaboobay Inay La Bixiyo Lacagaha Ay Shirkada DP World Ku Kordhisay Adeegyada Ay Qaado Waxaana Arintaas Ku Muquuniyay Ganacsatada Xukumada Iyo Shirkada Dekeda Maamusha Oo Isku Dhinac Ah Iyo Ganacsatada Waaweyn Qaarkood Oo Dhabarka La Taabtay Sida Ay Ii Sheegeen Xubno Kamida Ganacsatada Dhexe Oo Shirka Fadhiyay.
Waxaanay Xubnaha Warka isiiyay Iisheegeen Inaan Xukumadu Dhinacooda Marnaba Jaleecin Ay Sitoosa Dhabarka Usaartay Shirkada DP World Maalinta Beriyana ay Dekeda kala Bixi Doonaan Wixii Badeecad Ka Taala Wixii Dambena Ay War Isugu Noqon Doonaan.
Inkastoo Ganacsatadu Shacabka Somaliland Aanay Unixin ay shilinkooda Eegtaana Hadana Talabaadani Waxay Culays kale Saaraysa Shacabka Hore uga Cabanaayay Sicir Bararka Meceeshada Ee Qiimohoodu Kor Ukacay Waayadan Dambe.
Warka Aanu Helay Wuxu Intaa Kudarayaa In Xukumadu Lakala Faqday Ganacsatada Sidaasna uu Ku fulay Go.aankaasi.
Shaqada Dekeda Berbera ee Cashuurta badeecadaha Ayaa Mudo 10 Maalmooda Utaagnayd Ismaandhaafkan.
Berberatoday.com