berberatoday.com
Hargeysada Cusub Waxa Qoray Cumar Qiyaas Rotterdam Holand
January 11, 2022 - Written by admin

5tii ,Dec.2020, Barqadii Ayan Ka soo degey, Egal international Airport ee Hargeysa. Waxa madaarka iigu yimid, Ehel Iyo Asxaab, jecleystey in ay Dalka Hooyo, igu soo dhaweeyaan, Laab,Garab Iyo Gacanba Isa saarney dhamaantood , farxad Iyo qosolna oogsay fagaarihii madaarka. Waxooga Ka bacdi Ka soo dhaqaaqney madaarkii, marka aanu soo socono bartii la odhan jirey Libaaxyada Ayaan waxaan markiiba indhahahaygu halacsadeen, Daaro dhaadheer oo labada dhinac ee laamida Iyo Buuraha hareerahaba laga dhisey. Anna idhi cajabka cajaba. Yaa salaam ya Hargeysa. Waxaan u sheegey Asxaabtii in Oriental Hoteelka Hargeysa, la I geeyo halkaas oo sanadkan aan ugu talo galay in socdaalkeygan aan Ka bilaabo, Oriental Huteelku, Aniga waxa uu ii leeyahay taariikh badan oon Ku xasuusto yaraantii, waxa uu Ku yaalaa faras magaalada Hargeysa, dhismihiisu waa Ka gadisnaa Daaraha ama Fooqyada kale. Waxaan xasuusta ragga ganacsatada waaweyn ama madexda Dalka oo hudheelkan Ku soo dega. Nasiib wanaag waxaan degey qol la ii sii diyaariyay oo dabaqa dhexe ah.Galabtii markii aan soo toosey waxaan cabay koop kaafu_jiinow ah oo udguunka Iyo dhadhankaba aan la dhacay.yaasalaam, waxa intaas ii raaca balakoonka hoteelka aan fadhiyo aniga oo halacsanaaya shacbiga rag Iyo dumbarba leh ee galabta u soo baxay in ay Ka adeegtaan suuq weynaha Hargeysa. Ereyada , Edo, Ayeeyo, inabti,inaadeer Ayaan Ka maqlaaya Balakoonka aan fadhiyo, Alla qaalisanba ereyadaas maan maqal sanado badan oo qurbaha aan joogey. Waa fiidcawl, marka aan soo degay ee aan bilaabmay in aan jimicsado , yaasalaam. Suuqu waa ceeryoon sheekada, farxada nin dhex jooga ayuun baa Ka sheekeyn Kara. Dhinac walba suuqu waa camiran yahay, yaab baad ugu dhimanaysaa alaabta Taal Iyo sida nidaamka leh ee ay u diyaariyeen. . Suuqan magayo badan baa loo bixiyey, mar waxa la odhan jirey suuqa shiraacle, marina waxa la odhan jirey suuqa beriga, hadana waxa la yidhaah suuqa Waaheen. Waxa uu Ka soo bilaabmaya koonfurta Hudheelka Hadhwanaag, ilaa masaasidka sheekh Cali mataan waqooyiga, dhinaca kale ee koonfurta carwooyinka xasan rakuub ilaa masjidka ibraahim dheere ee wagooyi galbeed barigii hore la odhan jirey Dhafta. Caawa waxaan Ku wareegu suuqii Waaheen ee baaxadiisu dheertey waxaan Ka helay saaxiibkay foodcade oon isagu Hargeysa dhinacna uga bixin oo meel kasta Kala yaqaan. Alla wanaagsana nin aad yaraantii soo wada korteen oo sanado badan Ka bacdi s Lama filaan ah suuqii Waaheen iskugu soo baxdeen yaa bogon Kara sheego yaa taxan kara xiiso, bal casho kaluun ah aanu wada cuuno aniga Iyo food cade, ilaah noo barya in lafa yaryar ee kaloonka si farshanle Gabdh reer Hargeysa ah ay suuqa Waaheen ugu sameysay in aanan. Lafa kaloonkaas Ku Margan..

 

 

 

W/Q Cumar Qiyaas

Rotterdam Holand

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews