Somaliland Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Xaalad Deg-deg Ah
January 16, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in abaaro ay ku dhufteen dad tirradoodu dhantahay 810,000 oo ku kala nool 6 gobol oo Somaliland ah.
Madaxweyne ku-xigeenka oo u hadlayay guddi uu Madaxweyne Biixi u magacaabay gurmadka abaaraha oo uu Guddoomiye u yahay, ayaa sheegay in abaaro ba’ani ay ku dhufteen deegaano ka mid ah Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlaya Abaarta iyo Xaaladda deg-deg ah ee ay ku dhawaaqeen ayaa yidhi “Waxaanu Maanta halkan u soo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka” ayuu yidhi Saylici.