berberatoday.com
Cabdiraxmaan Ciro Taageerayaashiisa Ugu Baaqay Inay Udiyaar-garoobaan Doorashada Madaxtooyada
January 17, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo tageerayaashiisa la hadlayey, ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobaan doorasho madaxtinnimo 13 ka November 2022-ka.

Qoraal lagu baahiyey bogga uu Musharrax Cirro ku leeyahay Facebook,  ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda ee soo baxay uu gogol xaadh u yahay, doorashada madaxtinnimada oo qabsoonta xilligeeda.

Qoraalka Musharraxiin Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay arrintan, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee 16ka Januaray 2022- ka soo baxay, waxa uu gogol xaadh u yahay in Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoonto xilligeeda Dastuuriga ah ee November 13 2022.” 

Cirro oo la hadlaya Taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxa uu qoraalkiisa ku yidhi; “Waxaan farayaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo shacabka Somaliland-ba in ay u diyaar garoobaan doorasho Madaxtooyo oo dalka u horseeda isbeddel caddaaladdeed iyo dawladdeed oo dunidu innagu majeerato.”

Doorashada madaxtinnimada Somaliland iyo doorashada Ururrada oo labaduba qorshaysan sannadkan 2022-ka, ayaanay weli kala caddayn ta soo horreynaysaa, inkasta oo dhinac kastaa sheeganayo in midba ta kale ka soo horreyso Mucaaradka iyo Muxaafadka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews