berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ku Tagaya Dalka Itoobiya, Ka Dib Marti-qaad Uu Ka Helay Raysal-wasaare Abiy Axmed.
January 17, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Safar shaqo ku tagaya Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Ma Jiro War Rasmiya oo Madaxtooyadu ku xaqiijisay arrintan, balse Ilo-wareedyo Muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay dhawaan Safar ugu amba bixi doonaan Dalka Itoobiya.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Madaxweynuhu uu Itoobiya ku tagayo Marti-qaad uu ka helay Raysal-wasaaraha dalkaasi Abyi Axmed, laakiin illaa hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Itoobiya.

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa leh xidhiidh Iskaashi oo la xidhiidha Ganacsiga iyo Amniga, arrimahaasi oo si joogto ah iyo si aan joogto ahaynba ay uga wada-hadlaan labada Dawladood.

Sannadka cusub ee 2022, Safarkan Itoobiya ayaa noqonaya kii koowaad ee Madaxweynuhu uu dalka dibeddiisa ku tagayo, halka inta la ogyahay Safarkiis labaadna uu noqon doono Safar uu ku tagayo Dalka Maraykanka bisha saddexaad ee soo socota, haddii Alle yidhaahdo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews