Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ku Tagaya Dalka Itoobiya, Ka Dib Marti-qaad Uu Ka Helay Raysal-wasaare Abiy Axmed.
January 17, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Safar shaqo ku tagaya Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.
Ma Jiro War Rasmiya oo Madaxtooyadu ku xaqiijisay arrintan, balse Ilo-wareedyo Muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay dhawaan Safar ugu amba bixi doonaan Dalka Itoobiya.
