berberatoday.com
“Waxa Aan Si weyn Ubogaadinayaa Doodda ka Dhacaysa Baarlamaanka Ingiriiska Ee Ku Saabsan Geedi-socodka Ictiraafka Iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland”Musharax Cirro.
January 19, 2022 - Written by admin

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi Cirro ayaa bogaadiyay baarlamaanka dalka ingiriiska oo caawa ka doodaya qadiyada aqoonsiga Somaliland

Sidoo kale Musharax cirro ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay xildhibaan Gavin Williamson iyo Mudanayaasha kale ee ku taageeray garwaaqsigooda ku wejahan Qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska.

 

Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi.

“Waxa Aan Si weyn Ubogaadinayaa Doodda ka Dhacaysa Caawa Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan Geedi-socodka Ictiraafka Iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale waxa aan ku hambalyeynayaa Xildhibaan Gavin Williamson iyo Mudanayaasha kale ee ku taageeray garwaaqsigooda ku wejahan Qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska.

Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero oo la muujiyo ka go’naanta dedaalka lagu baadi-goobayo Ictiraafka dalkeenna.

Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha caalamka ku soo jeediyey waxaa ka mid ah: Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo Dimuqraadiyadda oo Doorashooyinku tilmaan u yihiin. Waxa aan Xukummadda u soo jeedinayaa in Doorashada Madaxtooyada oo ah hadda midda taagan wax-kastaana u diyaarsan yihiin in lagu qabto xilligeeda ay dalka waxtar weyn u tahay iyo in ay soo dedijin karto aqoonsiga qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews