Dal Muslim Ah Oo Markii Ugu Horeysay Haweenay Ka Noqotay Garsoore Maxkamadda Sare
January 25, 2022 - Written by admin
Waxaa la dhaariyay haweenaydii ugu horeysay ee dalka Pakistaan garsoore ka noqta maxkamadda ugu sareysay dalkaasi. Caaisha Mailk oo 55 jir ah ayaa hataan ku biiraysa 16 saaxiibbadeeda shaqada ah oo dhamanatood ay rag yihiin. Arrintaan ayaase gudaha Pakistaan looga arkaa siyaabo kala duwan oo dadka qaar ayaa soo dhaweyay halka qaar kalana ay ka horyimaadeen. Munaasabbada dhaarinteeda ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Balse qaar ka mid ah qareennada ayaa ka soo horjeestay magacaabista Malik sababo la xiriira dhanka awoodda. Garsoore Malik, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda Pakistan iyo jaamacadda Harvard,ee dalka Mareykanka, waxaana labaatankii sano ee u dambeeyay ay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee Lahore ee bariga Pakistan. Haweenka dalkeeda ayaa u arka tallaabo guul gaara u ah haweenka reer Pakistaan.
Waxaa lagu ammaanay in ay kaalin muhiim ah ka qaadatay ka hortagidda hannaanka garsoor ee raggu doorka ugu badan ku leeyihiin. Sannadkii hore, waxay mamnuucday adeegsiga “baaritaanka bikranimada” si baaritaanno loogu sameeyo dhibanayaal kufsi loo gaystay.
Garsoorka Pakistan taariikh ahaan waxa uu horey u ahaa mid ay raggu u badanyihiin. Tallaabada lagu magacaabay ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo wax badan ka badali doonto aragtiyo kala duwan oo laga qabay in aaney dumarku qayb ku lahayn arrimaha garsoorka maxkamadaha dalka Pakistan. Balse marka laga hadlo guud ahaan dalka Pakistaan waxaa la sheegayaa in dadkoo dhan aaney u arkin arrin muhiim ah xilka loo magacaabay haweenaydan.