Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Bullaacad Uu Ka Shaqaynayay Oo Ku Duntay Iyo Ciidanka Dab damiska Oo Gurmad Ufidiyay
January 29, 2022 - Written by admin
Alle haw naxariistee Hal qof ayaa ku dhintay Bullaacad uu ka shaqaynayay oo ku soo duntay xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka dugsiga Cabdilaahi Muuse.
Ciidamada Dab-demiska Hargeysa ayaa goobtaa si degdeg ah u gaadhay, waxaana maydkii ka soo saareen Bullaacada oo ilaa Shan joog hoos u qodnayd.

