berberatoday.com
Maxaa Kasoo Kordhay Kulamadii Wasiirada Xukumada Xisbiga Kulmiye Iyo Siyaasi Maxamud Xaashi
February 1, 2022 - Written by admin
Qodabada muhiimka ah ee la isku afgartay ilaa hada wadahadalada dedaalada dib ugu soo noqoshada Siyaasi Maxamuud Xaashi ee Xisbiga Kulmiye:-
● Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ogalaaday dedaalada lagu doonayo inuu Siyaasi Maxamuud Xaashi uu Xisbiga Kulmiye dib ugu soo noqdo, waxaanu fursad siyaasi ah u arkay soo xero gelinta Siyaasigan Saameyntiisa Siyaasadeed muujiyay doorashooyinkii Somaliland ee sanadkii hore iyo doorashadii Shirgudoonka golaha wakiilada ee ay hore isku seegeen wareejinta Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye.
● Siyaasi Maxamuud Xaashi waxay islaab xaadheen Wasiir Maxamed Kaahin oo mid kastaa lahaa hanka Hoogaminta Kulmiye Madaxweyne Muuse marka uu wareejiyo,
● Wasiir Maxamed Kaahin ayaa isaguna dhankiisa wuxuu garowsaday soo noqoshada Maxamuud Xaashi ee Xisbiga Kulmiye inay u tahay fursad dib ugu soo Hanan karaan taagerayaasha Siyaasigan fikirkiisa taabacsan.
● Maxamuud Xaashi waxay kulan kale ay wada yeesheen Wasiir Cali Mareexaan oo tabashooyin siyaasi ah ay u dhaxeeysay iyaguna taasi way ka heshiiyeen kulan kale oo ka horeyey ka Xalay ee Kaahin Iyo Maxamuud ayay isku laab xaadheen.
● Wada hadalada ayaa sii soconaaya iyadoo qorshuhu yahay sida ilo xog-ogaal ahi ii sheegen in sidoo kale ay guddiga dhexdhexaadinta wadaa ay iskugu keenayso kulan islaab xaadhasho ah Wasiir Xasan Gaafadhi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo iyagana ay u dhaxaysay xilfatan siyaasi ah muddooyinkii ugu danbeeyay.
● Xubnaha dhexdhexaadinta dhinacyada wada ayaa kala ah Amb. Bashe Cawil, Wasiirka Xidhiidhka golayaasha Maxamed Xaaji Aadan, Gudoomiye Cabdikariin Xinif Iyo Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal.
● Ma jirto wax shuruud ah oo ah in Madaxweynuhu shuruud kaga dhigay Siyaasi Maxamuud Xaashi la kulanka Wasiirada xukuumada ee isku beesha yihiin ka hor kulanka ay wada yeelanayaan.
● Waxa xusid mudan in wada hadaladan iyo kulamadanba ay ka qabsoomeen intii ay socdeen Hoyga Madaxweyne Siilaanyo ee magaalada Hargeysa.
● Siyaasiga Maxamuud Xaashi ayaa qodobka shuruudihiisa ugu wayn ee uu wata ay tahay Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiye.
● Xildhibaanada golaha wakiilada beelaha Subeer Awal ee Maxamuud Xaashi Cabdi hore ula kulmay iyo guddiyo ka kooban Beelaha habar Awal ee Xisbiga Muxaafidka ka tirsan ayaa iyaguna qayb ka ahaa dedaalada Xisbiga Kulmiye uu lagu doonayay in dib loogu soo celiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi.
● Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Xukuumada ee Beesha Habarjeclo ayaa la qorsheeyey inay Madaxweynaha la kulmaan iyagoo midaysan marka ay dhamaantood heshiis ka gaadhan tabashooyinka u kala dhexeeyey.
Qodabadan ayaa xusid mudan intii shirarku socdeen qodobadii la isla afgartay kulamadaas kala duwan ee ay yeeshen dhinacyada kala duwan.
Halkan kala soco xogaha rasmiga ah ee ku saabsan kulamadaas iyo waxa ka soo baxa iyadoo la filaayo in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo dib ugu biirista Kulmiye ee Siyaasi Maxamuud Xaashi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews