“Xisbiga Waddani Wuxuu Waafaqsan Yahay Soona Dhaweynayaa Bayaanka Ay Soo Saareen Saaxiibbada Somaliland Ee ku Saabsan Geeddi-socodka Doorashooyinka”Gudoomiye Xirsi.
February 1, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa ka dareen celiyay bayaan ay soo saareen wadamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuqraadida kaasi oo dhinacyada siyaasada ee somalland ugu baaqay in ay ka arin sadaan qabsoomida doorashada oo umudaysan sanad dabayaaqadiisa.
Gudoomiyaha xisbiga Waddani xirsi cali xaaji xasan oo soo saaray war murtiyeed uu kaga hadlayo bayaanka kazoo baxay beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dhawaaqa kazoo yeedhay, Kaasi oo udhignaa Sidan;
“Xisbiga Waddani wuxuu waafaqsan yahay soona dhaweynayaa bayaanka ay soo saareen saaxiibbada Somaliland ee ku saabsan geeddisocodka doorashooyinka iyo guud ahaan horumarinta dumuqraadiyadda Somaliland.