Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Shaqada Ka Eryay Suxufi Mudo 7 Sano Ah Temporary Kaga Hawlgalaya Tvga Qaranka
February 6, 2022 - Written by admin
“Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaaciil Oo Aan Dhawr Jeer ka Codsadey In Aan Xaqeyga Hello, Waxa Uu Abaal Gud Iiga Dhigey Inuu Iga Joojiyo Shaqadii Aan Qarranka Mudada Dheer Usoo Hayay”Suxufi Samakaab.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suxufi Mustafe Axmed Samakaab oo mudo 7sano ku dhow tvga qaranka Somaliland kaga shaqaynayay shaqaale temporary ah ayaa waxaa shaqadii uu qaran mudadaa intaa leeg iskaa wax uqabso ugu soo shaqaynayay qaranka Somaliland iyo warbaahinta dawlada ayaa waxa shaqadii ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta mudane Maxamed Yuusuf isagoo aan usheegin waxa uu ku mudaystay shaqo ka caydhinta uu ku sameeyay.