Sicir Barar Iyo Kor Ukaca Qiimaha Iibka Shiidaalka Iyo Mooganaanta Xukumada Somaliland
February 7, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Berbera Maanta 1 Litir Ee Patrol-ka Ah Waxa Lagu Kordhiyay Lacag Dhan 400 SL Shilin Ah Hore Wuxu Ahaa 1-ka Litir 7300 Maanta Waxa Laga Dhigay 7700 SL Shilin Sidoo Kale10-ka Litir Waxa Habeen Hore Layga Siiyay 73000 Kun Maantana Waxa Layga Siiyay 77000 Kun Sida Ka Muuqata Labada Lifaaq Ee Aan Lacagta Ugu Kala Diray Laba Kaalmood Oo Berbera Kuyaala.
Macquul Maaha In Lacagta Intaas Leeg Mar Kaliya La Kordhiyo Hadiiba Shiidaalka Ka Kacay Wadamada Uu Inooga Yimaado Waxase Usahlaya Ganacsatada Kaalmaha Berbera Inay Qiimahay Doonaan Shiidaalka Ku Iibiyaan Whats Ap Group Iyo Gudi Ay Leeyihiin Ay Ugu Heshiiyeen Shacabka Markasta Ay Wax Kordhinayaan Shirbay Galaan Iyagoon Cidi Kamaqnayn.
Berbera Waxa Kuyaala Haamaha Keydka Shiidaalka Qaranka Somaliland Iyo Kuwo Gaar Ay Uleedahay Shirkada Dahabshiil Waana Isha Shiidaalku Dalka Kasoo Galo Hadana Inta badan Waxa La Arkaa Inay Qiimaha Kala Simantahay Gobolada Dalka Hadiiba Aanay Ka Qiimo Sarayn.
Wasaarada Ganacsiga Somaliland Weli Kamay Hadal Kor Ukacan Xadigiisu Sareeyo Ee Shiidaalka Iyo Sababta Keentay.
Berberatoday.com