Xukumada Somaliland Oo Shirkado Gaar Loo Leeyahay U Ogaatay In Lacago Kaga Qaataan Gaadiidka Barnaamij Badqab Loogu Yeedhay Iyo Ganacsatada Dekeda Gaadiidka Kasoo Dajiya Oo Ka Gaws Adaygay
February 7, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland Ayaa Saaka Dhaqan Galisay Barnaamijka Badqabka Gaadiidka Waxaana Lagu Wargaliyay Cidkasta Oo Gaadiid Kala Soo Dagaysa Dekeda Berbera Inay Soo Goostaan Warqada Badqabka Gaadhiga Oo Ay Bixinayaan Shirkado Gaar Loo Leeyahay Oo Xukumadu Ruqsad Usiisay Waxaanay Shirkaduhu Qiimo Iyo Tacriifad Usamaystay Gaadiidka Noocyadiisa Kala duwan Sida Ka Muuqata Lifaaqa Halkan Ka Idiinka Muuqda.
Lama Garanayo Sababtay Lacagtan Ku Qaadanayaan Shirkaduhu Wax Ay Gaadiidka Uqabanayana Lama Yaqaan Qalabkay Wax Ku Eegayaan Wax Macluumada Lagama Hayo Hanti Khasnada Dawlada kudhacaysana Maaha.
Shaqsiyaadka Ruqsada Loo Siiyay Barnaamijka Badqabka Gaadiidka Ayaa Ah Ganacsato Ka Agdhaw Madaxtooyada.
Ganacsatada Gaadiidka Kasoo Dajiya Dekeda Berbera Ayaa Ka Biyo Diiday Talabadan Lacagta Lagaga Doonayo Waxna Aan Loogh Qabanayn Waxaanay Saaka Gabi Ahaanba Joojiyeen Inay Wax Gaadiidka Dekeda Ka Cashuuraan.
Berberatoday.com