Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Ingiriiska Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
February 9, 2022 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka UK Ambassador Abdi Abdilaahi Oo ay Weheliso Marwo Yurub Qaalib Faarax oo ka mid ah Madaxda sare ee Safaaradda Somaliland ee UK ayaa maanta kulan muhiim ah xafiiskiisa kula Yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Uk ahaana Xildhibaankii dhawaan Baarlamaanka Dalka Ingiriiska soo hor dhigay mooshin Ay kaga Doodeen Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland kaasi oo madaxda dawlada ingiriiska ay ugu baaqeen in La Aqoonsado Somaliland oo Iyadu buuxisay shuruudaha looga baahan yahay Dawlad Madaxbanaan iyo hirgalinta hanaanka dimuqraadiga Ah Ee doorashooyinka.