Xukuumada Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Kasoo Yeedhay Dalka China.
February 11, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shiinuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeelanayaan xidhiidh diblomaasiyadeed maadaama oo JSL tahay dal madax-bannaan.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ku gudo jira booqasho rasmi ah oo wefti uu hoggaaminayey ay ku tageen dalka Taiwan, waxa uu jawaab ka bixiyey dawladda Shiinaha oo naqdiday socdaalka ay ku tageen Magaalada Taipei ee dalka Taiwan.