“Diidmada Martiqaad Madaxweyne Ma Aha Arrin Sahlan. Laba Sababood Ayaad Moodaa In Loo Cuskanayo”Xil Mukhtaar Maydhane,
February 13, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan mukhtaar Xasan Maydhane oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa farta ku fiiqay laba arimood oo ay cuskanayaan xildhibaanada diidanaa martiqaadka madaxwaynuhu ufidiyay golaha wakiilada, isagoo qoraal uu arimahaasi ka qoray ku faah faahiyay wuxuna udhigaan Sidan;
“Diidmada martiqaad Madaxweyne ma aha arrin sahlan. Laba sababood ayaad moodaa in diidmada loo cuskanayo. Mid waa xilligan abaaruhu taagan yihiin kuma haboona. Mid labaadna waa Goleyaasha Qaranka kama dhaxayso ismartiqaad” Ta hore, wax kasta oo dadweynuhu ka qabaan arrintaas iyagaa ku saxan. Xildhibaanada laakiin toodu waa wax kale. Bili kama soo wada wareegin markii Golahani ansixiyey miisaaniyad $400 milyan ah. Kuwii u codeeyey iyo kuwa aan ka dagaalamin maalintii la qoondaynayey inay maanta inala soo hor fadhiistaan abaaraha dartood waa inagu damiir darro, waxaan u arkaa anaga iyo naftooda toona inaanay ixtiraamin. Waa maxay welwelkan ka galay abaaruhu markay arrintu taagan tahay $5,000 (boqol ruux oo min $50 gelayso ugu badnaan) ee gali waayey markay ahayd $400 milyan?