berberatoday.com
Xiisada Udhaxaysa Ruusha Iyo Ukrain Iyo Halka Ay Salka Kuhayso
February 13, 2022 - Written by admin
๐—ž๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ณ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐—‘๐–บ๐—‹๐—Ž๐—‡๐—๐–บ ๐—๐–บ๐–ฝ๐–ฝ๐–บ๐—‡๐—„๐–บ Yukreyn waxay waajahaysaa xaalad hubanti la’aana. Shacabka yukreynna siyaabo kala duwan ayay ๐—Ž๐—€๐–บ ๐–ฟ๐–บ๐—… ๐–ผ๐–พ๐—…๐—‚๐—‡๐–บ๐—’๐–บ๐–บ๐—‡ ๐—‘๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ๐–ฝ๐–ฝ๐–บ ๐—„๐–บ ๐–ฝ๐—๐–พ๐—‘ ๐—ˆ๐—ˆ๐—€๐–บ๐—‡ ๐–ฑ๐—Ž๐—Ž๐—Œ๐—๐—„๐–บ ๐—‚๐—’๐—ˆ ๐–ฝ๐–บ๐—…๐—„๐—ˆ๐—ˆ๐–ฝ๐–บ, ๐–ฝ๐–บ๐–ฝ๐—๐–พ๐—’๐—‡๐–บ๐—๐–บ ๐—Š๐–บ๐–บ๐—‹ ๐–บ๐—’๐–บ๐–บ ๐—๐–พ๐—…๐—๐–พ๐—…๐—Œ๐–บ๐—‡ dareenkood๐–บ๐—‡a cabbiray ๐—‚๐—’๐–บ๐—€๐–บ ๐—ˆ๐—ˆ ๐–ฝ๐–บ๐—…๐–ป๐–บ๐—‡๐–บ๐—’๐–บ ๐—‚๐—‡ ๐—‘๐—‚๐—‚๐—Œ๐–บ๐–ฝ๐–ฝ๐–บ ๐—…๐–บ ๐–ฝ๐–พ๐—ƒ๐—‚๐—’๐—ˆ ๐–ฝ๐–บ๐—€๐–บ๐–บ๐—…๐—‡๐–บ ๐—…๐–บ๐—€๐–บ ๐–ป๐–บ๐–บ๐—Š๐—Œ๐–บ๐–ฝ๐—ˆ, kuwo ๐—„๐–บ๐—…๐–พ ๐–บ๐—’๐–บ๐–บ ๐—‚๐—’๐–บ๐—‡๐–บ sheegaya in ay ๐—„๐–บ ๐—€๐—ˆ’๐–บ๐—‡ ๐—๐–บ๐—๐–บ๐—’ in ay dhulkooda ka difaacdaan R๐—Ž๐—Žsh๐—„๐–บ inta uu ka dhimanayo qofka u dambeeya๐–บ. ๐–ฐ๐–บ๐—’๐–ป๐—ˆ ๐—„๐–บ๐—…๐–พ ๐—ˆ๐—ˆ ๐–ป๐—Ž๐—…๐—Œ๐—๐–บ๐–ฝ๐–บ ๐–ธ๐—Ž๐—„๐—‹๐–พ๐—’๐—‡ ๐–บ๐—’๐–บ๐–บ ๐—‚๐—’๐–บ๐—‡๐–บ xiisaddan u arkaan mid ay buunbuuninayaan waddamada reer galbeedku dano gaar ahna ay ka leeyihiin.
Ruushku waxa uu garaacayaa durbaannada colaadda, xaaladuna wax๐–บ ay u muuqataa mid sii cakirmaysa marba marka ka sii dambaysa. Haddaba is weydiin arrintan ka dhalanaysa ayaa odhanaysa:
๐—•๐˜‚๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ป ๐—บ๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ?
Moosko waxa ay si maalinle ah u deedifaysaa wararka sheegaya inay duullaan ku tahay Yukreyn, iyaga oo sheega in aanay maanka ku hayn arrinkaas.
Dhibka jira ayaa ah, in yar oo xuukamadah๐–บ reer galbeedk๐–บ ๐–บ๐—๐—‚ rumaysan yihiin diidmadan, sidaas oo ay tahay haddana Buutin ma qeexin sababta uu in kabadan kala badh ciidamadii Ruushka u soo dhoobay xuduudaha Yukreyn haddii๐–ป๐–บ xaggiisa ๐—๐–บ๐—‘ niyad wanaag ๐–บ๐—๐—‚ ka jiro.
Si weydiintan warcelin ๐—๐–บ๐–บ๐–ฟ๐—‚๐—’๐–บ loogu helo, waa in su’aalahan kalena laga jawaabo.
๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ป?
Aragtiy๐—ˆ dhawr ah oo Faladamiir Buutin ๐—Š๐–บ๐–ป๐—ˆ ๐–บ๐—’๐–บ๐–บ ๐—๐–บ๐—‘๐–บ ๐—„๐–บ ๐—†๐—‚๐–ฝ ๐–บ๐—, ๐—‚๐—‡ ๐—Ž๐—Ž doonayo soo celinta awooddii Ruushku ku lahaa bariga Yurub, gaar ahaan waddamadii ku jiray Midowgii Soofiyeeti oo ay ka mid yihiin Istooniya, Laatfiya, Litweeniya, Joorjiya, Yukreyn & Belaruus. Buutin aad buu uga ๐—‘umaaday in ๐—๐–บ๐–ฝ๐–บ๐—†๐–บ๐–ฝ๐–บ๐—‡๐—‚ gacanta ka baxeen ๐—„๐–บ๐–ฝ๐—‚๐–ป burburk๐—‚๐—‚ Midowgii Soofiyeeti. Sidoo kale waxa uu niyadda ku hayaa in uu reer galbeedka & Shacabkiisaba u muujiyo in Ruushku yahay awood weyn.
Weydiin kale ayaa iyaduna ah:
๐—ฌ๐˜‚๐—ธ๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐˜‚ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†?
Buutin oo garanaya muhiimada Yukreyn oo ku taal koonfurta galbeed ee Ruushka waxa uu ka cabsanayaa sida isa soo taraysa ee ay u sii dhex gelayso reer galbeedka, waxa uu hor istaagay ku biiritaankii Kiyeef ee isbahaysiga Naato, mar kalena uu ka biyo diiday kobcinta xidhiidhka ay la leedahay Midowga Yurub.
Wejiga intaa ka sii xun ee Buutin uga muuqday Yukreyn ayaa ah dimuqraadiyada, Xorriyada hadalka & ta warbaahinta oo aan laga aqoon Moosko. Dabka halkaa ka baxayna wuxu ugu muuqday mid kursigiisa halis ku ah oo joogitaankiisa aqalka cas ๐–พ๐–พ Kirimiliinka soo gaabin kara.
Dhan kale haddaynu ka eegno hilowga beri samaadku waa qayb ka mida fikirka Buutin oo hor u ahaa xubin ka mida KGB, Yukreynna u arka qayb aan qaybsamin oo taariikhda Ruushka ah waayitaankeeduna la macno tahay in Ruushku ku Jabay dagaalka qabow.
๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ?
Buutin wuxu dareemayaa in reer galbeedku ku talax gabay, kadib markii ay sannadkii hore si xun ugu jabeen Afgaanistaan. Mar kalena waxa u muuqatay in Maraykanka oo ah kan haatan ugu tunka weyn dunida & dalalka reer galbeedku aanu diyaar u ahayn in uu dagaal dambe faraha la galo, balse awoodiisa isugu geynayo sidii uu uga hor tegilahaa Awoodda isa soo taraysa ee dhaqaale & ciidan ee Shiinaha.
๐—•๐˜‚๐˜‚๐˜๐—ถ๐—ป ๐—บ๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ?
Si xiisaddan loo dejiyo, hawshana deganaansho loogu soo dabbaalo Buutin waxa uu doonayaa in waddamada galbeedku kula heshiiyaan in aan Yukreyn, Maldoofa & Joorjiya midkoodna aanay xubin ka noqon is ba๐—aysiga waqooyiga Atlaantiga ee Naato weliba si abadi ah.
Sidoo kalena waxyaabaha uu dalbanayo waxa ku jira in Naato iskaga baxdo wadamada uu u yaqaan safka hore oo ah Boolaan, Roomaaniya & Bulgaariya, horena ugu jiray Safka Isbahaysigii Midowgii Soofiyeeti ee Waarso. In maamul hoosaad loo ogolaado gobolka doonbaas & in yukreyn iska ilowdo doonisteeda ku aaddan ๐—Œ๐—ˆ๐—ˆ ๐–ผ๐–พ๐—…๐—‚๐—‡๐—๐–บ jasiiradda Karaaymiya oo uu xoog ku qabsaday 2014-kii.
Waxyaabaha kale ee Buutin doonayo ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin joojinta gantaalaha uu Maraykanku ku soo daad guraynayo bariga qaaradda Yurub.
@๐— ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ผ๐˜‚๐—ฟ.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews
 
 
 
๏ปฟ