“Muuse Isaga Waa Lagu Yaqaan Oo Isagu Ma Sameeyo Inta Ugu Yar Ee Tanaasul Ah, Oo Waaba Ceeb Xaggiisa, Markaa Dabcan Maxamuud In Isagu Uu Tanaasulay Baa Run Ah,”Cali Guray.
February 16, 2022 - Written by admin
HORTA KEE BAA TANAASULAY!!SIYAASI CALI GURAY
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali guray” oo ka foolaaday kulanka madaxwane biixi iyo siyaasi maxamuud xaashi iyo ka ay muuqato in uu ka tanaasulay aragsidii siyaasadeed ee kala kaxaysay. wuxuna udhigaa Sidan;
Laba shalay ay cadaawad siyaasadeed ka dhexaysay in maanta ay dhinac ka soo wada jeedsadaan maaha wax lala yaabo waayo siyaasadda ayaan sideedaba lahayn saaxiib iyo cadaw joogto ah midna. Balse waxa muhiim ah in uu jiray arin lagu kala taganaa oo markii laga wada hadlay laga heshiiyay.