Haayada Amnesty Oo Ciidammada Tigreyga Itoobiya Ku Eedaysay In Ay dad Rayid Ah kula Kaceen Kufsi Wadareed!
February 17, 2022 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dagaalyahannada Tigreega ayaa si ula kac ah u dilay dad rayid ah oo ay kufsi wadareed u geysteen, tobanaan haween ah iyo gabdho aan qaan-gaadh ahayn laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada ee Itoobiya sannadkii hore, Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay shaacisay maanta oo Arbaca ah.
Amnesty International ayaa wareysatay 30 qof oo ka badbaaday kufsi, qaar ay da’doodu ka yar tahay 14 sanno iyo dhibanayaal kale oo ka waramay xasuuqii ka dhacay deegaanada Chenna iyo Kobo bilihii Ogosto iyo Sebtembar ka dib markii fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay la wareegeen magaalooyinkaas.