Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Oo Wefti Kasocda Shirakada Shiidaal Baadhista Genel Energy Kusoo Dhaweeyay Dekedaha Berbera
February 17, 2022 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Maareyaha Haayada Dekedaha Somaliland Said Hassan Abdillahi Oo Wafti Kasocda Shirkada Shiidaal Baadhista Ee Genel Energy Ku Qaabilay Xafiiskiisa Kuna Soo Wareejiyay Qeybaha Ay Ka Kooban Yihiin Dekedaha Berbera’ Soodhaweynta Weftiga Maareyaha Waxa Ku wehelinaayay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Mudane Cabdishakur Maxamud Xasan Cidin.
Qoraal Kooban Oo Maareyuhu Soo Dhigay Bartiisa Facebook Waxa Uu Yidhi”
“Waxa aannu ku soo dhaweynay Dekedda Caalamiga ee Berbera, wefti ka socda Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy. Weftigan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta JSL iyo Maamulaha Guud ee Shirkadda Caalamiga ah ee Genel Energy Mr. Bill Higgs.
Waxa aannu ku soo wareejinay qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera.
Berberatoday.com