Dawlada Hoose Ee Laascaanood Oo Qiimaha Iibka Meceeshada Bisil Ujaangoysay Mukhaayadaha Laga Cunteeyo
February 19, 2022 - Written by admin
Laascaanod(Berberatoday.com)-Iyado laga duulayo u damqashadda Bulshadda degmadda Laascaanood ayaa Maayarka Magaaladda Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ay Weheliyaan Agaasimaha Waaxda arimaha Bulshadda ee dowladda hoose iyo Mulkiilayaasha Hoteeladda Cuntadu ay isla qaateen in wax ka badal lagu Sameeyo Qiimaha Raashinka Bisil ee Hotelada Laascaanood waxaaana Maayarku uu Bulshadda Laascaanood ugu baaqay in qiimahaas wixii ka badan meheradii ka qaada ay usoo gudbiyaan masuuliyiinta Degmada
Geesta kale waxay labada dhinac isla qaateen fayo dhawrka iyo nadaafadda Hoteelada cuntadda iyado la eegaya badqabka iyo caafimaadka Bulshadda
Waxaana la faray mulkiilayaasha hoteeladda inay baadhis caafimaad ku sameeyaan kariyayaasha cuntada isla mar ahaantaana dhar u gaar ah loo sameeyo
Maxamed Cismaan Cabdi Nuur