“Ganacsatada Waxaan Farayaa In Aanay Shicibka Ku Kicinin Ashcaarta, Oo Aanay Ku Adkaynin”Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire
February 19, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyay ka xukuumad ahaan waxa ay ka qabeen sixirka bararka iyo kor ukaca miciishada oo wakhti xaadirkan bulshada reer Somaliland saamayn ku yeeshay nololshooda ayaa sheegay in ay 10% ka shucuurta ka dhaafeen raashinka ay ganacsatadu kala soo degaan dekeda berbera.
Sidoo kale wasiirka wasaarada maaliyadada ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay shacabka ku adkaynin qiimaha miciishada islamarkaana ay ku xisaabtamaan cashuurta laga daayay.