Madaxweyne Muuse Biixi Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Jabuuti
February 21, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu ambobaxay Waddanka Djibouti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambobaxay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
Safarka shaqo ee madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga