Masar Oo Si Adag Ucambaareysay Hawlgelinta Biyo-xidheenka Itoobiya
February 22, 2022 - Written by admin
Qahira(Berberatoday.com)-Dowladda Masar, ayaa Itoobiya ku eedaysay inay iyadoo keliyi bilawday hawlgelinta Biyo-xidheenka ay shalay daahfurtay, isla markaana waxay Masar ku doodday inay Itoobiya jebisay ballan-qaadyadii 2015-kii ee ahaa in biyaha Niilka lagu maamulo is faham.
Masar ayaa axaddii cambaareysay billowga hal-dhinac ee hawlgallada biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), biyo-xireenka malaayiinta ah ee muranka dhaliyay ee ay Itoobiya ka dhistay webiga Niil.