Midowga Yurub Oo Ciqaab Aan Horey Loo Arag’ Ugu Hanjabay Russia Kadib Weerarkii Ukraine
February 24, 2022 - Written by admin
BRUSSELS(Berberatoday.com)-Russia waxay wajaheysaa “go’doomin aan horey loo arag” sababo la xiriira weerarka ay ku qaaday Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub uu soo rogo abid, waxaa sidaas yiri madax siyaasadda arrimaha dibedda ururkan, Josep Borrel.
“Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal cayaar awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah. Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri.
Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyana sheegay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka lagu go’aamin doono shir deg deg ah oo maanta dhacaya.