Ruushka Oo Weerar Cirka, Dhulka Iyo Badda Ah Ku Qaaday Ukraine Iyo Madaxweyne Putin Oo Udigay Mareykanka Iyo NATO
February 24, 2022 - Written by admin
Kiev(Berberatoday.com)-Ciidamada Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu fasaxay waxa uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah oo laga fuliyo bariga dalkaas.
Wax yar kadib markii uu Putin ka hadlay khudbad laga sii daayay TV-ga qaranka Ruushka, ayaa waxaa laga maqlayay qaraxyo caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Rasaas ayaa ka dhaceysa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinta ah ee weerarada.