berberatoday.com
Caasimadda Ukraine Oo Lagu Arkay Taangiyada Ruushka
February 25, 2022 - Written by admin

.

Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu iisu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin.”

Wuxruna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.

Daawo: Caasimadda Ukraine oo lagu arkay Taangiyada Ruushka

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.

Sawirka ayaana u muuqda mid uu qaaday qof ka mid ah shacabka magaaladaasi deggan. BBC waxay xaqiijisay muuqaalkaasi inuu yahay mid sax ah oo laga soo qaaday gudaha magaaladaasi.

Halkan ka daawo.

137 qof oo Ukaraine looga dilay dagaalka shalay billaawday

  1. .

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137.

    madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.

    Caasimadda Kyiv waxaa hadda laga maqlayaa qaraxyo xooggan oo ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Ruushka magaaladaasi ka wadaan.

    Ruushkana wuxuu sheegay inuu burburiyey diyaarado dagaal iyo taangiyo ay Ukraine leedahay. Halka Ukraine dhankeeda ay sheegtay iney diyaarado dagaal uu Ruushka leeyahay ay caasimadda ku soo ridday.

    Baraha bulshadana waxaa si weyn loogu baahiyey muuqaallo muujinaya qaraxyada dhacaya iyo burburka duqeynta ka dhalatay.

    Maxaa loo hadal hayaa ciidamada Ukraine oo marki ay diideen iney Ruushka iisu dhiibaan la dilay?

    .

    Inta uu billaawday dagaalka Ukraine oo maalinti labaad galay waxaa si weyn looga hadal hayaa askar ka tirsan ciidamada Ukraine ee ku sugneyd jasiiradda Snake.

    13 askari oo ku sugnaa jasiiraddaasi yar ee ku Taalla Badda Madow waxay diideen iney iisu dhiibaan markab dagaal oo uu leeyahay jasiiraddaasi.

    Kaddib ciidamadi 13-ka aha ee jasiiradda ku sugna marki ay diideen iney isdhiibaan waxaa lagu dhuftay gantaal sidaa ayeyna ku dhinteen.

    Waxaana barta Twitter-ka lagu baahiyey cod dhanka markabka ka imanaya oo askartaasi ugu baaqaya iney isdhiibaan ka hor inta aan la dilin.

    “Waxaan idinkula talinayaa inaad isdhiibtaan hubkana aan dhigtaan, haddii kale rasaas ayaan idinku furayaa, ma i maqashaan?” ayuu leeyahay codka sargaalka ee markabka ka imanaya.

    Madaxweynaha Ukrain Zelensky wuxuu askartaasi uu ku tilmaamay geesiyaal, isaga oo sheegay in dhammaantood abaalmarinta geesiyaal dagaal la guddoonsiinayo.

    Madaxweynaha Ukraine: ‘Kama cabsaneyo Ruushka’

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelesnky ayaa sheegay inuu dalkiisu ka cabsaneyn Ruushka oo duullaankiisa gardarrada ah uu iska caabbinayo.

    Madaxweynaha oo farriin muuqaal ah markale u diray shacabka dalkaasi ayaa sheegay iney u diyaar garoobaan sidi ay dalkooda uga difaacan lahaayeen waxa uu ugu yeeray ‘cadowga aan naxariista lahayn.’

    Madaxweynaha waxaa kale uu sheegay:

    • Tani iyo marka u dagaalka billaawday in Ukraine lagu dilay 137 qof oo askar iyo da raad ah isugu jiro.
    • Ruushka inuu bartilmaameedka koobaad uu u yahay.
    • Saqid dhexe ee xalay inuu Ruushka uu gantaalo ku garaacay caasimadda Kyiv.
    • Waddamada reer galbeedkana wuxuu ugu baaqay tallaabbo dhaafsiisan cunaqabateyn iney Ruushka ka qaadaan.
    • Ukraine iney sii wadeyso isdifaacidda ilaa Ruushka uu weerarka uu wado ka joojinayo.
    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelesnky
  2. Daawo: Muuqaal dagaalka Ukraine oo toos ah

    Miltariga Ukraine ayaa baahiyey muuqaal kooban oo muujinaya dagaal toos uga socda magaalada Sumy ee dalkaasi Ukraine.

    Magaalada Sumy oo ay ku nool yihiin dad ka badan 260,000 xadka Ruushka waxay u jirtaa wax ka yar 30km.

    Mamulaha magaaladaasi Dmytro Zhyvytsky wuxuu sheegay kolonya ciidama ah oo dabbaabad wata iney magaalada sii mareen kuna sii jeedaan caasimadda Kyiv.

    Wuxuu sida oo kale sheegay magaalada Konotop iney ciidamada Ruushka hareereeyeen.

    Muuqaalka halkan ka daawo.

    Social embed from twitter

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews