berberatoday.com
Dhagar Qabihii Khaarajiyay Imaam Maxamed Xasan Aadan Oo Dalka Mareykanka Lagu Dilay Oo La Qabtay
February 25, 2022 - Written by admin
John Wooden Jr ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo geystay Imaam Maxamed Xasan Aadan….
Ninkan ayaa dil toogasho ah ku fuliyey alle ha u naxariistee Maxamed Xasan Aadan oo ay da’diisu ahayd 48jir, isla markaasina ahaa imaam aad loo jeclaa, sida ku cad dukomantiyada maxkamadu ay hayso.
Imaam Maxamed Xasan Aadan ayaa la ogaaday in toogasho lagu dilay labo maalmood kadib markii la sheegay in la waayay. Waxaana la toogtay afar jeer sida ku cad warbixinta ay hayaan dembi baadhayaashu.
Iimaamku waxa ay dhaawacyo ka soo gaadheen madaxa, luqunta, dhinaca bidix ee hoose iyo bowdada bidix, sida lagu sheegay warbixintaasi.
Meydkiisa ayaa la helay isagoo ag yaal gaadhigiisa jaallaha ah ee GMC meel u dhow Windsor iyo Joyce Avenues.
Dukumentiyada maxkamada ayaa sheegay in intii uu socday baadhitaanka Wooden Jr. loo aqoonsaday inuu yahay gacan ku dhiiglaha khaarajiyey imaam Maxamed Xasan Adam.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, waaran baadhitaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr. Qoryaha laga soo saaray guriga dhexdiisa ayaa la go’aamiyay in uu noqon doono qoriga baalistic-ga iyo daasadaha laga helay goobta uu ku dhintay Aadan.
Wooden Jr. waxaa haatan lagu hayaa xabsiga degmada Franklin. Waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori.
Dukumiintiyada maxkamada ayaa sheegay in lagu helay dembiyo kale oo uu galay sanadkii 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xarig ah. Waxaana xilligaasi xabsiga laga sii daayay March 2021.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews