Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
February 26, 2022 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 25/02/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.