“Dhaqankii Iyo Iimaankii Wanaagsanaa Wuu Ka Lumay Badiba Ganacsatada Magaalooyinka Waaweyn,Ganacsade Ismaaciil Axmed
February 28, 2022 - Written by admin
“Dhaqankii Iyo Iimaankii Wanaagsanaa Wuu Ka Lumay Badiba Ganacsatada Magaalooyinka Waaweyn,Kolkaa Waxaynu U Baahan Nahay Shuruuc Iyo Siyaasad Adag Oo Xakameysa Masiibo-ka-Macaashka Baahsan..”Ganacsade Ismaaciil.
Gurmadka Ha Lagu Daro Wax ka Qabashada Masiibo-ka-Macaashka (Profiteering) Aas Aasaha Xawaalada World Remit Ismaaciil Axmed.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aas Aasaha Xawaalada World Remit iyo sahamiye Foundation Ismaaciil Axmed ayaa ku baaqay in wax laga qabto ganacsatada mamay ee ka faa,iidaysanaya masiibooyinka abaaraha iyo kor ukaca miciishada oo iyagu uheshiiyay shacabka islamarkaana ubaahan in loo sameeyo shuruuc adag Iyo siyaasad ay xukuumadu ku xakamayso.