berberatoday.com
Ururka Kubada Cagta Aduunka Ee FIFA Iyo UEFA Oo Dalka Ruushka Ka Hakiyay Dhamaan Ciyaaraha Aduunka Iyo Kuwa Yurub Iyo Sababo Ay Ucuskadeen
March 1, 2022 - Written by admin

Fifa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka kubadda cagta dunida ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA iyo Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, ayaa si rasmi ah u go’aamiyay maanta oo Isniin ah, in la hakiyo ka qaybgalka xulalka qaranka Ruushka dhammaan tartamada ilaa amar dambe.

Arrintan ayaa ka soo horjeedda hawlgalkii milatari ee Ruushka ka bilaabay Dalka Ukraine, kaas oo ay si cad u diideen inta badan ururada caalamiga ah.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa bayaan uu ku soo daabacay boggiisa rasmiga ah, wuxuu ku sheegay:

“Iyadoo la raacayo go’aamadii horudhaca ahaa oo ay qaateen “FIFA” iyo Guddiga Fulinta ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub ee “UEFA” labada xidhiidh ayaa maanta si wadajir ah u go’aamiyay, in dhammaan haddii uu ahaan lahaa xul ama kooxaha, laga joojin doono ka qaybgalka labada tartan ee FIFA iyo UEFA, illaa amar dambe.”

Sidoo kale madaxweynayaasha FIFA iyo UEFA ayaa rajo ka muujiyay in la soo afjaro hawlgalka milatari ee Ruushka uu ka bilaabay dhulka Ukraine:

“Xaaladda Ukraine si weyn oo deg-deg ah ayay u fiicnaan doontaa, si ay kubbada cagta markale u noqoto mid horseeda midnimada iyo nabadda dadka dhexdooda.”

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews