“Waanu La Soconaa Musuq Maasuqa Dalka Ka Dhacaya Iyo Inay Qayb Ka Yihiin Ganacsatadu, Iyo Halka Lageeyo”Muj Axmed Cali Gaydh
March 1, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Axmed Cali Gaydh oo kamid ah ururka Somaliland jire ayaa si adag uga hadlay Doorka ay ganacsatadu ku leeyihiin musuq maasuqa baahsan ee dalka ka jira iyo doorka ay ku leeyihiin ganacsatadu oo iyagu kastamyada dalka loogu qoro waraaqo la leeyahay waxaasi ayaanu ka qaadeen cashuur dhaaf siiya isagoo ku eedeeyay in ay qayb wayn ka qaataan musuq maasuqa ayna arkayaan.
