Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Oo Lacag Dhan 34500$ Oo Gurmadka Abaaraha Ku Wareejiyey Maamulka Gobolka Buuhoodle.
March 2, 2022 - Written by admin
Qorilugud(Berberatoday.com)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qaadhaan lacageed oo gaadhaya $34500 (Afar iyo soddon kun iyo shan Boqol) oo doollar oo ay xukuumaddu kaga qaybqaadanayso taakulaynta abaaraha ku wareejiyey maamulka gobolka Buuhoodle.

