“Markaan Runta Sheego Badhasaabku Xamaal- kaygii Buu Ahaa Aniga Ayuu Iishaqayn Jiray,Marbaan Ku Xidhay Musuq Uu Sameeyey,May Ahayn Qof Noocaas Ah In Xilkaa Loo Dhiibo”Ganacsade Barkhad Jibriil
March 2, 2022 - Written by admin
“Markaan Runta sheego Badhasaabku Xamaal- kaygii Buu ahaa Aniga ayuu ii shaqayn jiray + Marbaan ku Xidhay Musuq uu Sameeyey + May Ahayn Qof Noocaas ah in Xilkaa Loo Dhiibo + Isaga iyo Caaqilku Waa isku Reer” Ganacsade Barkhad”
Gudoomiyaha Shirkada Asli Maydi Oo Waraysi Siinaayey TV Bulsho Ayaa Af-lagaado iyo Eedayn Kula Kacay Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Qaar ka Mida Wasaaradaha Dalka
Wasaaradaha uu Eedeeyey Waxaa ka Mida Warfaafinta.Arimaha Gudaha. Ganacsiga kuwaasi oo Uu Sheegay inaanay Cadayn karin Wariye yaal Dhawaan Dalka Soo Galay Cida ay Ahaayeen Iyo Shaqada ay u Socdeen Taasina ay Tahay Fashil Dawladeed Waa Sida uu Hadalka u Dhigaye
Sidoo kale Ganacsaduhu wuxuu Xagjir Halis ku ah Amniga Dalka ku Tilmaamay Jiif Caaqil Uu Sheegay inay Hayb Wadaagaan Badhasaabka Gobolka Sanaag oo Dhawaan Warbaahinta isaga Eedo Uga Jeediyey
Ganacsadaha oo U Ekaa inuu khudbad ka jeedinaayey TV-ga Ayaa Sheegay inaanay Dawlada iyo Cid kale Toona Haynin Inay keento Ganacsiga uu Dalka keenay Wax dhaama