Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxbanaan Ee Somaliland Oo Cambaaraysay Xadhiga Jamaal Ibraahim Maxamed(Gobonimo)
March 2, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay cambaraynaysa xadhiga Jamaal Ibraahim Maxamed oo Hargeisa ku xidhan. 06/02/2022, waxay ciidamada sirdoonka Somaliland xidheen Jamaal Ibraahim Maxamed, oo ah suxufi madax bannaan, xadhigiisa ayaa yimid kadib marki uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somalialnd, Abdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Uu is casilayo urur cusubna furanayo. Xiligaa waa lasii daayay waxaana dib loo xidhay 08/02/2022, xadhigiisa looma marin wado sharci, hadda waxa uu ku xidhan yahay xarunta denbi baadhista ee CID, laba jeer ayaa maxkamadda la horgeeyay mana jirro wax denbi ah oo lagusoo oogay. Xadhiga Jamaal waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Qodobka 32 (1) ee dastuuka Somaliland waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah aaba qaabkale. Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale reebaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (2) ee dastuurka Somaliland “qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu banayn” Ugu danbayn xarunta xuquuqal insaanku waxay ku baqaysa in xoriyadisa loo soo celiyo suxufi Jamaal lana xaqdhowro xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta.