Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Guddoomiyeyaasha Gobollada Sool Iyo Xaysimo ku Wareejiyey Qaadhaankii Xukuumaddu Uqoondaysay Gurmadka Abaarta!
March 3, 2022 - Written by admin
Laascaanood(Berberatoday.com)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta guddoomiyeyaasha gobollada Sool iyo Xaysimo ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo ay xukuumaddu ugu talogashay inay kaga qaybqaadato gurmadka loogu jiro dadka abaarta ku tabaaloobay.
