berberatoday.com
Xuskii Gavin Williamson W/Q Cumar Qiyaas
March 3, 2022 - Written by admin
Xuskii Gavin Williams
Maanta waa Arbaca bil u dambeeysa,waana
Kulan Awliyaad.
Aniga Iyo Habar-wadaagey, waxaanu fadhinaa
Balkoon kii Oriental Huteel ee Hargeysa waana Subax hore.
Sidii xildhibaankii Ingriiska ee Gavin Williams uu dalka u yimid, waxaanu Cabnaa aniga iyo Foodcade Gavinccino,anaga oo xuseynaa geesigaas hiilka inoogu yimid in uu magaciis jiro.
Aan Ku soo noqdo maalinta Arbacada Iyo xidhiidhka ay la leedahay Awliyaad oon halkan idinku soo gudbiyo sheeko uu Foodcade iiga sheekeeyey oo dadka Qaarkiis Ku adkaata in uu rumeysto laakiin kuwa Suufiyada u dhawo hore ayey u liqaan, sheekooyinkaas mucjisada leh.
Foodcade wuxuu yidhi , nin Dauud la odhan jirey oo Ka shaqeyn jirey Baidhabo ayaa laga horjoogsadey fasax uu Ku tagi lahaa muqdisho si uu xaaskiisii oo dagan Gabiley uu Biilkii bisha ugu soo diro.
Kabacdi markii uu shaqadii Ka soo noqdey maalintaas , isaga oo cadheysan ayuu soo gaadhey gurigii ninkii Macow ee guriga uga shaqeynayee oo Cuntadii diyaariyey ayaa qadadii miiska soo dhigey deeto Dauud Ku yidhi Cuntadii waa diyaar Gudoomiye. Dauud wuxuu ugu jawaabtey niyad uma hayo cunto ee adigu iska cun.
Gurigu waa Bangalo aad u weyn, ninkan shaqaalaha ahi halkaas deyrka agtiisa aya uga dhisan yahay qol uu isagu degen yahay.
Galinkii dambe markuu Dauud soo toosey ayaa ninkii shaqaalaha ahaa shaah uu sameeyey u keenay odeyga deetana inta uu meel u dhow fadhiistey ayuu Dauud warsadey waxa maanta ka cadheysiiyey. markii Dauud u sheegay sababtii ay Macaw yidhi, ka waran hadaan anigu u geeyo lacagta xaaska?
Dauud waa nin dhowrsan oo wadaad ah weliba suufiya, inta uu yara kacey ayuu gurigii Ku laabtey lacagtii oo Kabadhka Ku jirta oo gal-yar
Uu Ku Sido u keeney oo yidhi waa tan haddii
aad diri kareyso. Macaw mabuu daahin ee
Lacagtii wuu direy, maalintii Ku xigteyna xaaskii ayaa telefoonka Ku soo hadashey oo heshay lacagtiis.yaabka yaabkiisa ee sidaas uun kumey dhamaan.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Balse aan Habro-wadaagey oo dhameystey koofigii weydiiyo qorsha socodka maanta.
Foodcade waxa uu iigu jawaabtey Cumarow maanta Jaad cuni meyno, Socodkuna waa Dooxaas Hargeysa oo muddo badan inoogu dambeysey oo xasuus badan labadeenaba Ka taalo, oo hada Mayarka cusub ee Hargeysa mudane Mooge tacab badan galiyey oo nadiif ah ayaan rabaa in aynu Hadhwanaag agtiisa dooxa kaga dhacno aynu ilaa Iyo xaraf lug Iyo tax-taxaash Ku tagno.
Ilmo farxadle ayaa dhabankeyga Ku soo dul qubatey oo mahad-naq ah, Allaha igu simay aniga oo caafimaad qaba in aan fursad u helo in aan taabto dhagax walba oon yaraantii taabtey mar labaad Iyo garoon walba oo dooxa dhexdiisa oon kubad Ku ciyaarey in aan Ku dhex galgalimeysto oon wisiq lahayn maanta Iyo weliba in aan Gob ka gurto geedaha Gobka ah oo Wax yar ku sii hadheen.
akhriste nolosha waxa u qurux badan inta Shan Iyo toban jirka Ka horeysa ee aanad daaleyn , xiiqeyn Aduunyo qurux badan Ku muuqato adiga Iyo filkaaga balse aan u muuqan Odey Iyo Islaantoona.
Dhanka kale Raadiyow Hargeysa madexeyga Kama baxa, mararka qaarkood ayaan hurdada uga soo kacaa ,aniga oo maqlaaya Raadiyow Hargeysa oo ile Tani Waa Hargeysoo Hererka Gaaban idin kala Hadleysa, waa xasuus aanan ilowi Karin, qalbigaygu wey ku qoran tay, Hawraartaasi.
Shalay baan wacay saaxiibkay khadar, waxaan wax yar Ka hor u direy, klip yar oo Inan reer Hargeysa ahi, Ka heesayso , iba mee bil- xaqiiqatan wey I qaadatey heestu Iyo weliba Inan qurux badan oo codmaan leh, waxaan dhulka Sare uga kacey FT. 10.000, oo fuudh.
Bal faduushey, Khadar ku idhi, haye ka waran, wuxuu iigu jawaabtey Kama helo saaxiib heesaha dambe gabigoodaba.
Intaas kuma joogin nin Reer Maraykan ah oo cabdkariin xasan caalin la yidhaah Ayaan klipkii laftiisii u direy, isna waxa uu iigu jawaabtey codkaas kamaan helin.
Aad ayaan u qosley, caagad yar oo biyo ah oon sitey wey iga soo dhacdey , nasiib baan leeyahay hadayna qof Ku dhicin ileyn waaniga FT 10,000. oo Fuud hawada Sare u galaye. .
Runtii waan jeclahay Kala duwanaanshaha fikirka Iyo Aragtidiba labadan saaxiibna, waxaan ku aqaan in aad kooda ka heleyso isaga oon kuu meereysan.
Aan Ku soo noqdo sheekadii Macaw Iyo Dauud.
Maalin kale oo muddo ka soo wareegtey ay macaw, Ku yidhi Dauud, xaaskii galabta ma kuu keena?
Jawaabta Iyo wixii dhacayba waa inoo khamiista insha-allah. Wax badan baan ogahay oon sheegi lahaa waxaan Ka cabsanaya in dad badani igu danbaabo.
Is arag dambe oo xiiso leh.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews