Hoogaanka Sare Ee Xisbiga Barwaaqada Itoobiya Oo Markii Uhoreysa Loo Doortay Madaxweyne Kuxigeen Somaliya
March 12, 2022 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Waxaa goordhaweyd lasoo gabagabeeyey doorashadii hogaaminta sare ee Xisbiga barwaaqo Itoobiya oo lagu dooranayay Madaxwaynaha xisbiga iyo laba Madaxwayne ku xigeen oo uu yeelanayo xisbigu.
1.madaxwaynaha xisbiga barwaaqo mudane Abiy Ahmed oo helay cod dhan 1480 cod.
2.Madaxwayne ku xigeenka (waaxda xisbiga) mudane Adan Faarax Ibraahim, oo helay cod dhan 1370 cod.
3.Madaxwayne ku xigeenka (waaxda dawlada) mudane Damaqe Mokennon oo isaguna helay cod dhan 970.
Waa markii koobaad taariikhda qof soomaaliya noqdo hogaanka labaad ee xisbiga wadanka ka taliya.
Guul umada soomaaliyeed.