Wargays Kasoo Baxa Dalka Maraykana Oo Si Qotodheer Wax Uga Qoray Safarka Uu Ku Jooga Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
March 16, 2022 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Wargeyska ka soo baxa Mareykanka ee la yidhaa ( Associated Press ) oo wax ka qoray socdaalka Madaxweyne Muse Biixi ee dalka dalka Mareykanka, ayaa Salaasadii ku daabcay bog ka mida bogaggiisa, isagoo soo xiganaya qeybo ka mida khudbaddiisii oo uu ku sheegay Madaxweynuhu, inay guuldarreysateen wada hadlladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaaliya.
