berberatoday.com
Guul Iyo Gobonimo Marka Hore Madaxwaynaha Iyo Waftigiisa Waan Hambalyaynayaa. Safarkan Waana Bar Bilaw Wanaagsan”Cali Guray
March 17, 2022 - Written by admin
GUUL IYO GUUL INSHA ALLAH
Marka hore Madaxwaynaha iyo waftigiisa waan hambalyaynayaa. Safarkan uu ku booqday dalka Maraynka ayaa noqon kara bilaw wanaagsan xaga xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Waase hadii Muuse laftiisu aanu Somaliland dib u celin ee hore u wado oo ugu yaraan doorashada madaxtooyada oo itaxaankiisa ugu wayn ah ku qabto wakhtigeeda. Waxa taa u barbar yaala in sadexdii doorasho ee sanadkan uu cagta mariyo oo hal doorasho qabsoomi waydo. Hadii hal doorasho oo keli ahi qabsoomayso waa la og yahay ta qabsoomi karta xeer ahaan iyo farsamo ahaan in ay tahay doorashada madaxtooyada ee dhamaan saamilaydu (stakeholders) ay isla ogol yihiin khariidadeeda tubta doorashada (roadmap) iyo kharashkeedina diyaarka yahay ee mudaysan 13 November.
Qurbojooga Somaliland ee dalka Maraykanka oo la filayo in Madaxwaynuhu la kulmi doono hadii Allah yidhaa 19ka bisha waxan ku boorinayaa in ay ku dhiirigeliyaan odayga qabasoomidda doorashooyinka, kuwo baas baas baa wax kale oo aan danta qarankuna ku jirin sharcina ahayn intaa ku akhriyaya si khilaaf uga abuurmo doorashooyinka wakhtiguna uga wada dhaco eh.
Hadda waynu og nahay Somaliland waxa lagu majiirto ee qayrkeed ay ku dhaaftay in ay yihiin doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah. Maantana waa looga fadhiyaa ishana waa lagu wada hayaa gudo iyo dibadba, sokeeye iyo shisheeyaba
Komishanka Doorashada oo ilaa dhamaadkii bishii December 2021kii gacanta ku hayay hawlihii doorashada madaxtooyada ayaa la hubaa in ay ku qaban karaan wakhtigeeda hadii aan la farogelin

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews