“Doorashada Soosocota Ee Soomaliya , Jamhuuriyada Somaliland Waxay Dani Ugu Jirtaa Madaxweyne Reer Muqdisho Ah Inuu Kusoo Baxo”Cabdi Yaasin Yool
March 20, 2022 - Written by admin
Doorashada soosocota ee Soomaliya , Jamhuuriyada Somaliland waxay dani ugu jirtaa Madaxweyne reer Muqdisho ah,inuu doorashada ku soo baxo , Musharixiinta
Hawiye Plan iyo Strategy kuma socdaan nidaam iyo midnimo midna malaha.waa Musharixiin suudhadh kaliya iska sita.
Halka labada Musharax ee ka soo jeeda Beesha Darood sida Deni iyo Farmaajo, waxaa ka muuqata diyaarsanaan iyo Abaabul waa ragg garanaya waxay doonayaan iyo halka ay usocdaan,
Somaliland waa inay farogaliso doorashada Soomaliya oo ay samayso qorshe ah Buffer zone
Balaayadu intaanay ku soo gaadhin ayaa halkeeda loogu moosaa.
Cida kaliya ee Xisaab siyaasadeed ka dhaxayso Somaliland waa Beesha Daarood gaar ahaan Majeerteen, Beesha Majeerteen ma rabto inay Go’odo Somaliland oo haday go”odo waxay la go,aysaa Sanaag Bari iyo Koonfurta Sool , oo ah dhulay degaan Beesha Harti ,Majeerteenku wuxuu noqonayaa Minority marka ay timaado Awood qaybsiga Soomaliya , haday waydo Dhulbahante &Warsengeli,sidaana waxaa Majority ku noqonaya Hawiye& Digil iyo Mirif, oo kala qaadanaya Xubnaha sare ee Fulinta sida Ra”iisAl-wasaraha iyo Madaxnaha, Mareexan iyo Majeerteen waxay noqon doonaan awood isu dhaw.
Waxa Qoray Cabdi Yaasiin Yool