Maraykanka Oo Sheegay In Soomaaliya Ay Diiday In Shiinuhu Saldhig Milatari Ka Sameysto Gudaha Dalka.
March 20, 2022 - Written by admin
Taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay u xaqiijisay in aysan oggolaandoonin in China ay saldhig milatari ka sameystaan Soomaaliya.

Gen. Townsend oo wareysi siinayay weriyaha VOA u qaabilsan Pantegon Carla Babb, wuxuu sheegay in dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya kala hadashay saldhigga milateri iyo arrimo kale.